Dagaalkii Gaalkacyo oo GALMUDUG dhaafiyay…

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, oo wariyaasha kula hadlay magaalada Cadaado ayaa ka hadlay dib u dhacyadii Galmudug ay kala kulantay dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Maxamed Xaashi, ayaa tilmaamay in dagaaladii Gaalkacyo ay dib u dhigeen mashaariic badan oo horumarineed oo la filayay in maamulkooda uu ka hergeliyo deegaanada maamulkaasi uu ka taliyo.

Wuxuu tusaalo usoo qaatay dhismaha dekada Hobyo oo ahaan laheyd isha Dhaqaale ee maamulka Galmudug oo la qorsheynayay in la bilaabo ka hor dagaalkii magaalada Gaalkacyo.

“Dagaaladii naagu soo cusboonaaday ee Gaalkacyo iyo meelo kale waxay dib u dhigeen horumarkii aan dooneynay ee dhismaha dekada degmada Hobyo, waxaa jiro shirkado badan oo soo dalbaday, marka waan kala dooran doonaa”ayuu yiri Carabeey.

Laakiin wuxuu sheegay in bilowga sanadka cusub ee 2016 la bilaabi doono dhismaha dekada magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, taasi oo uu sheegay iney fursad weyn u noqon doonto ganacsada Mudug iyo  Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com