Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo markii ugu horreysay si faah-faahan uga hadlay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maalmo kahor ka dhacay Kuliyadda Siyaad ayaa shaaciyay xog ku aadan weerarkaasi.
Cabdi Xaashi ayaa qiray in Al-Shabaab lagala shaqeeyay qaraxa, wuxuuna tilmaamay in ninka weerarka fuliyay la dhexe geeyay gudaha xerada, kadibna uu is qarxiyay.
“Nasiib darrada jirtaa waxaa weeye xeradii ciidamada ayaa lasoo geliyay qof yacnii mujrima oo dadkaa laayay arrimahaas oo kale annaga ayay naga heleen” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaas ay ku lug leeyihiin saraakiil ciidan, isla-markaana haatan lagu daba jiro, maadaama ay socoto baaris ku aadan dhacdadaasi.
“Haddii aynaan annaga gacan ku siin ma gaareyn meeshaas waxaa la leeyahay saraakiil ayaa lagu eedeynaa inay arrintaas ka dambeeyeen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay inay ka war sugayaan xukuumadda iyo baarista socota, si loo qaado tallaabo la xiriirta weerarkaasi.
“Waxaan filayaa hadda in xukuumaduu ay faraha kula jiro waxaa la qabtay tobaneeyo qof oo arrintaas loo hayaa, waxaan sugeynaa natiijada” ayuu mar kale yiri Cabdi Xaashi.
Ugu dambeyn wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan ehellada askartii lagu laayey Kulliyadda Jaalle Siyaad oo lagu dilay illaa 30 askari, halka lagu dhaawacay 70 kale.
Si kastaba, weerarkan ayaa dhaliyay tuhun xoogleh, maadaama lalal beesaday mid kamid ah xeyaha ciidamada dowladda, taas oo keentay in su’aallo waa weyn la’iska weydiiyo,