Fadeexad kale oo yaab leh oo kusoo baxday xiriirkii Shiinaha u diray gabadha fashilantay

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay fashilantahay gabadhii ciyaaraha ororada ee ka dhacay dalka Shiinaha  ku meteleysay Soomaaliya waxaa isisoo tarayey fadeexadda ka jirta gudaha xiriirka cayaaraha fudud ee Soomaaliya.

Xiriirkaas waxaa guddoomiye ka ah gabar lagu magacaabo Khadiija Aadan Daahir, ku xigeena waxaa ka ah nin lagu magacaabo Faarax Cali Macalin, sida ay ogaatay Caasimada Online xiriirkaas waxaa ku adeegta dad isku qoys ah.

Qeybta caafimaadka ee xiriirkaas waxaa madax ka ah Caasho Aadan Daahir oo ay walaalo yihiin guddoomiye Khadiija Aadan Daahir, naadiga caafimaadka ee Iimaanaan Hosbitaal waxaa heysta guddoomiye Khadiijo seedigeed oo lagu magacaabo Asad.

Sidoo kale Caasimada Online waxay ogaatay in Nasra Abuukar Cali oo ku soo fashilantay ciyaartii orodka ee dalka Shiinaha lagu qabtay ay habaryar u tahay guddoomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya, waxaana dhashay Deeqo Aadan Daahir.

Sidoo kale nin lagu magacaabo Caraale oo ku sugan dalka Mareykanka, guddoomiyana ka ah qeybta jaamacadaha ciyaaraha fudud ayaa kaalin ka qaatay in gabadhaas loo diro tartan aysan u diyaarsaneyn, balse waxaa aragtida iyo go’aanka lahaa gabadha habayarteed guddoomiye Khadiija Aadan.

Caasimada Online oo baaritaan ku sameysay arrintaan waxay sidoo kale ogaatay in wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha ay wax ka ogeed arrintaan, waxaana masuuliyiintii garoonka ka sagootisay gabadhaas ku jiray agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha.

Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Maxamed Barre oo dhowr jeer ku celceliyey in wasaaraddu aysan waxaba ka ogeyn go’aankii lagu diray gabashaas ayaa caawa shaqadii ka joojiyey guddoomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud Marwo Khadiija Aadan Daahir.

Sidoo kale Wasiir Maxamed Barre ayaa qoraalkii uu soo saaray ku sheegay in guddoomiye Khadiija iyo madaxda xiriirkaas ee qeybta Jaamacadaha Soomaaliyeed uu maxkamad ku soo taagi doono kiiskaan, isagoo ku eedeeyey sumcad dil qaran.