Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Sida aan mooday iyo sida uu noqday (Faalo xasaasi ah )

Waxaan daawaday wareysi 52 daqiiqo soconayay oo Cabdiraxmaan cabdishakuur uu siiyay warbaahinta la iska arko e soomaalida midkood, arragtidii aan ka heystay kolkii hore cabdiraxmaan, shaqsiyadiisa iyo siyaasadiisa ba aad bay isu badashay, markii horeba, tuhun soomaalida badankeed ay ka qabtay ayaa iiga jiray, wareysigga aan daawaday se waan ku xaqiiqsaday waxa u qarsoon cabdiraxmaan.

Suaalaha la weydiinayay badankood si is bihin- bihis ah buu isu dhaafinayay, mida labba ama saddex mar lagu celiyana wuxuu ka bixinayay jawaab aan aheyn mida saxda ah oo qarda kale ayuu jeexanayay “war badni unbuu jawaab ka dhigayay”.

Isagga oo caro badan ay ka muuqato ayuu wareysi aqbalay, horey na ka fadhiistay. hadalkiisu wuxuu u badnaa inta aan ku barranay oo dhaliil aan dhabihii lagu sixi lahaa la sheegeenin! su’aal la weydiiyay oo aheyd yaa dalkan ka taliya, jawaabta uu ka bixiyay ayaan aad ula yaabay see waxaan ka fahmay halka fikirka dowlad duminta ay ka gaarsiisan tahay cabdiraxmaan, cid walba ha  ku adeegatee!. si aan xishood, gabasho iyo qajilaad ba uusan ku jirin ayuu u yiri

“Koox yar oo Villa Somalia joogto oo wadanka markii ay argagixiso nimo ku qabsan waayeen isku dayaya dowladnimo inay ku qabsadaan! bal hadee Kooxda madaxtooyada joogta Farmaajo iyo Kheyre baa u tun weynee adigaba garro argagixisada uu sheegay!

la yaab ka kale ma taqaan, ka waran cabdiraxmaan cabdishakuur hadii uu aaminsan yahay sheekooyinka fadhi ku diririka qaarkood lagala xishoodo, wuxuu la soo shirtagay Dowladda shaqaalo ayey warbaahinta ka qoratay oo wiilal iyo gabdho dadka caaya ayey Facebook ka shaqaaleesiisay, War illeen ibtilo badanaa!. inta aan hadalkiisa daawanayay kaliya waxaan ka fahmay inuu si u jeclaan lahaa madaxda inay is khilaafaan, oo wuxuu ku celceliyay khilaaf ka inaan laga ahaan karin. lagu mood cabdiraxmaan noqon se weyday.

Waxaa qoray: Mohamed H. Ahmed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid