Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Deegananadii Ay Ku Dagaallameen Ciidamada Puntland Iyo Somaliland

Garoowe (Caasimadda Online) – Degaansho cago badan aan ku taagneyn ayaa laga soo sheegayaa deegaannao ka tirsan gobolka Sool oo ay shalay ku dagaallameen ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Wararkii ugu dambeeyay ee Caasimadda Online ka heshay halka lagu dagaallamay ayaa sheegaya in  Labada dhinac u kala tageen gurmadyo xooggan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dadkii ugu badnaa ay saakay isaga barakaceen deegaanka Tukaraq oo shalay subax lagu dagaallamay.

Ciidamada Somaliland ayaa lahaa weerarka dagaalkan, kadib markii ay shalay dagaal ku qabsadeen deegaanka Tukaraq.

Maamulka Puntland oo dagaalkan ka hadlay wuxuu sheegay in Somaliland uga dan leedahay carqaladeynta safarka madaxweyne Farmaajo ee deegaannada Puntland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com