Dhageyso: Feysal Cali Waraabe: “Maamulka Garowe ayaa canshuur xaaraan ah ku qaadi jiray Tukaraq ..”

By Saalax Saciid Sabriye

Hargeysa (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Somaliland Faysal Cali Waare ayaa si weyn u taageeray dagaalka ay Somaliland ku qabsatay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Mudane Waraabea ayaa sheegay in loo baahnaa mar hore in la qato degaanka Tukaraq, isla markaana ay ahayd meel canshuur xaaraan ah ay ku qaadaan maamulka Garowe, ayna kasoo sheegteen dadka degaanka sida uu yiri.

Faysal Cali Waare waxaa uu sheegay in ciidamada Somaliland ay qaadeen tilaabo horay loogu baahnaa Maadaama uu sheegay in degaanka laga qabsaday ciidamada Puntland ee Tukaraq ay Somaliland leedahay.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com