Cabdiraxmaan Caynte oo qoray 5 arrimood oo Nuur Cadde lagu xusuusan doono

Bismillah – Jimco wanaagsan!

Maalmahaan waxaan ka fekeraayay AUN Nur Cadde iyo dhaxalkii uu uga tagay sooyaalka siyaasadda Soomaaliya 16-kii bilood ee uu R/Wasaare ahaa. Maadaama aan inta badan la qorin taariikhda masuuliyiinta dalkeenna soo maray, waxaan goostay inaan soo bandhigo casharrada laga baran karo habdhaqankii siyaasadeed ee Nur Cadde, anigoo ku saleynaya saddex goor oo aan si gaar kula kulmay Rome, London iyo Muqdisho (Sawirka waa Rome 2013-dii). Waxaan kaloo 10kii maalmood ee lasoo dhaafay daawaday/dhageystay wareysiyo aad u fara badan oo laga qaaday.

1. Mabdi’iisa siyaasadeed waxaa gundhig u ahaa dibu heshiisiin, tanaasul iyo xurmo. Maalmo kaddib markii uu xilka qabtay, wuxuu joojiyey inuu ‘argagixiso’ ugu yeero xoogaggii iska caabbinta duullaankii Itoobiya, wuxuuna la furay wadahadal toos ah oo kama danbeystiina mira dhalay.

2. Wuxuu ka dhabeeyay hadalkii nabiga NNKH ee ahaa: لا طاعة لمخلوقن في معصية الخالق (bani’aadam laguma adeeci karo wax kasoo horjeeda daacada Allah). Wuxuu iska diiday amarkii Madaxweynihiisii ee ahaa in xoog lagu muquuniyo dadkii kasoo horjeeday.

3. Wuxuu u damqaday dadka Muqdisho oo ay si gaar ah ugu aafoobay duullaankii Itoobiya (16000 oo qof oo rayid ah ayaa colaaddaas ku dhimatay 2007/2008 sida ay qortay HRW). Wuxuu ku guuleystay inuu Suuqa Bakaaraha, oo ah halbowlaha ganacsi ee dalka, inuu noqdo goob ka caaggan ciidankii Itoobiya, isagoo ku beddelay ilaalo ay ganacsatadu sameysteen, isagoo sidaas ku badbaadiyey nafta, hantida iyo sharafka ummadda.

4. Doorashadii February 2009, wuxuu oggolaaday inuu ka dhex tartamo gole uu 50% soo xushay Isbaheysigii Dibu Xoreynta, taasina waxay astaan xooggan u tahay kalsoonida xooggan ee uu isku qabay, iyo siday uga go’oneyd inuu rogo baalkii madoobaa ee 2007/2008, xitaa haddii uu isagu ku waynayo xilkiisa.

5. Doorashada kaddib, wuxuu aqbalay inuu danjire u noqdo ninkii doorashada uga adkaaday, halkaasna kasii wado adeegga dalkiisa iyo dadkiisa.

Allaha u naxariistee sooyaalka Nur Cadde laguma soo koobi karo intaas, balse wuxuu baal dahabi ah kaga jiraa taariikhda dalkeenna, waxaana lala barbar dhigi karaa AUN Aden Cadde iyo C/rashiid Sharmarke.

Wabillahi Towfiiq

Cabdiraxmaan Caynte – Waa wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya iyo suxufi horey ula soo shaqeeyay warbaahinta VOA, BBC iyo Al Jazeera.