DURUUS laga baran karo fashilka Talyaaniga iyo Spain ee cudurka COVID-19

Mudo bilooyin gudahood dunida waxaa isbedel ku sameeyey cudurka Covid -19, waxaa xirmey suuqyadii waaweynaa ee dunida, waxaa lajoojieyey duulimaadyadii gudaha iyo dibadaba, waxaa shaqa la’aan soo wajahdey shaqaalo fara badan…

Qormadan kooban waxaa ay ku wajahantahay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan masuuliyiinta Soomaalida si ay wax uga bartaan fashilkii ku dhacey wadamada iska caabin waayey cudurka si xunna  u saameeyey dunida oo dhan.

Soo ifbixitaankii cudurkan waxaa soo shaac baxey warar ku saabsan saameynta cudurkan uu ku yeelan karo dunida taa oo dad badan ay u maleynayeen in uu dhibaatadan geysan doonin. Hadaba hoos waxaa ku uruursan siyaabihii keeney in cudurkaan si xad dhaaf u saameeyo wadamo gaar ah anagoo soo qaadaneyno laba wadan ee uu aadka u haligey cudurkan.

Sababihii keeney in dowladaha Spain iyo Taliyaaniga ay ku fashilmaan xakameynta  cudurka Covid19.

Ka warqab la,aanta xaalada dalka iyo xawliga uu cudurkan ku faafi karo.
Qaadashada xal aan dhameystirnayn iyo in maalinba mid cusub la qaato.
Wax kabarsha la,aanta wadamadii cudurka ku soo hormarey sida shiinaha.
Qaadasha go,aano kala duwan oo weliba is khilaafsanaan karo.

Tusaale laba magaalo oo ku yaala wadanka Taliyaaniga oo midina cudurka iska caabisey midna ku fashilmatey la dagaalankiisa.

Qorsha Difaaca Magaalada Venoto ee Cudurka Covid-19

Baaritaano aad u baahad weyn oo dadka lagu sameeyey iyo kala saarida astaamaha muuqda iyo kuwa aan muuqan

Daba adag oo lagu sameeyey qofkii cudurka laga helo ilaa laga soo helaayo dadkii uu xiriirka lasameeyey oo laga yaabi karayey in uu cudurka qaadsiiyey

Dadka oo candhuufta looga soo qaado guryahooda kadibna lagu lagu baaro sheybaarada, halka ay dadku iyagu aadi lahaayeen xarumaha caafimaadka. Sidoo kale dadka daryeel caafimaad loogu sameynayay ayagoo guriyahooda jooga.

In shaqaalaha la siinayay daryeel caafimaad oo aad u xooggan, kuwaas oo ku howlan ladagaalanka cudurkan, iyo kawarqabka meelaha bulshada isugu timaado sida suuqyada iyo maqaayadaha.

Talooyin ay Haboontahay in Dawladdeena ay Raacdo 

  • Uruurin xog sax ah oo ku aadan cudurka iyo lawadaagidda cid kasta oo khuseysa oo ugu horeyso Wasaaradda Caafimaadk
  • Qaadashada go,aano nimaadsan iyo waqtiga ku munaabsan kahor cudurka iyo kadiba
  • La,imaansha dad khubaro ku ah xadidida cudurkan oo kasoo shaqeeyey wadamada uu saameeyey cudurkan
  • Iney xadido isu socodka xaafadaha magaallyinka dalka.
  • Wax kabarasho laga barto wadamada  iyo kuwa aan ku fashilmin iska caabida cudurka.
  • Wacyi gelin joogta ee loo sameeyo bulshada.