Ciro oo laga helay Covid-19 iyo wararkii u dambeeyey xaaladdiisa caafimaad

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Ciro ayaa laga helay cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, kadib baaritaan lagu sameeyay, sida uu ku sheegay qoraal uu baahiyey.

Guddoomiyaha ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in laga helay cudurkaasi, isla markaana uu gali doono 7-cisho oo karantiil ah.

Wuxuuna sheegay in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, balse uu qaadan doono tallooyinka dhakhtarka ee keli-jooga.

“Waxa la iga helay COVID-19 baaris kadib, waxaan gali doonaa toddoba maalmood oo is karantiil ah. Mana lihi hadda wax calaamado oo halis ah” ayuu yiri.

Wuxuuna intaas kusii daray Guddoomiyuhu “Caafimaadkeygu wuu wanaagsan yahay, waxaana uga mahad-naqayaa Allah, Alxamdulilah calaa-kuli-xaal”.

Ciro ayaa muddooyinkii dambe safaro kala duwan ku marayey wadamada qaarada Yurub, isagoona kulamo kala duwan la qaatay jaaliyadaha reer Somaliland ee dalalkaasi.

Sidoo kale waxa uu xiligaasi guddoomiyuhu kulamo la qaatay deeq bixiyeyaasha caalamka ee Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka, inkasta oo si dhab ah loo ogeyn in xiligaasi uu hayey cudurku.

Cudurka safmarka ah ee Coronavirus ayaa u muuqda mid markale kusoo labo-kacleeyay dunida, xili billooyin ka hor loo badinayay inuu dunida maca-salaameynayo.