Cabdullahi Maxamed Nuur: Farmaajo wuxuu shacabka kala dooransiinaa laba daran

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa shaaciyey in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu “labo mid daran doorsiinayo shacabka Soomaaliyeed.”

Xildhibaanka ayaa sheegay in Farmaajo uu ku fikirayo labo arrin oo xasaasiya, kuwaasi oo ku rabo inuu kusii fadhiyo kursiga ugu sareeya dalka, amase uu dalka geliyo bur-bur hor leh, islamarkaana ay ku dhintaan dad badan kuna dhaawacmaan.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu god mugdi ah ku ridayo rajaddii dowladnimada oo asaga dabadii uu ku fikirayo inaysan sii jirin, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaankan oo kamid ah mudaneyaasha mucaaridka ah ee kasoo horjeeda hogaanka madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa ku baaqay in loo wada istaago sidii looga hortagi lahaa rabitaanka guracan ee Farmaajo.

Hoos ka aqriso qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook oo arrintaas uga hadlay;

Madaxweynihi waqtigiiisu dhamaaday  Mohamed Abdullahi Farmaajo waxaa uu qabaa shacabka Soomaaliyeed in ay laba wada daran mid uun doortaan:

1. Kaligii talis in ay isku dhiibaan aqabalaane in uu Sharci darro ku xakumo

2. In uu dalka  geliyo dagaal sokeeye dad badane ku dhintaan kuna dhaawacmaan, rajadi dowladnimadina sidaas ku baabi’iyo.

Hadaba shacabka Soomaaliyeed maxaa la gudboon?

Waxaan qabaa in aan u wada istaagno sidi aan aan uga hortagi lahayn himilooyinka wada foosha xun ee Farmaajo rabo in uu ku foolxumeeyo Soomaalinamada una marno wada kasta una hurno qiima walba.