Xiisad u dhexeysa ciidamo ka tirsan DF oo ka taagan iskuul Buluusiya + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa xiisad ka dhalatay muran iyo is qab-qabsi hareeyey dhul ku yaalla agagaarka iskuul Buluusiya, halkaas oo ay isku heystaan ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhulkan la’isku heysto ayaa ah goob Qabuuro oo ku taal dhanka xeebta ee degmada Xamarjajab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in xiisaddani ay timid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Badda ay isku dayeen inay dhismo ku bilaabaan dhulkaasi oo u dhaxeeyo xarunta iskuul Buluusiya iyo isbitaalka caanka ah ee Yardameeli, balse waxaa ka horyimid ciidan kale oo milatari ah.

Saraakiisha kala hoggaamineyo ciidamadaasi ayaa mid kasta wuxuu sheeganaaa inuu isagu leeyahay dhulkaasi, waxaana laga cabsi qabaan inuu dagaal ka dhaco halkaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo hubeysan iyo gaadiid dagaal lagu arkayo degmada Xamarjajab, gaar ahaan dhulka lagu muransan yahay.

Si kastaba ma jiro wax hadal ah oo kas oo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan xiisadaasi, balse inta badan waxaa magaalada Muqdisho kusoo laa laabta isku dhacydada ciidamada ee ka dhasha is qab-qabsiyo la xiriira dhulal la’isku heysto.