Maxay tahay arrinta ay isku qabteen Janan iyo Madoobe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland, Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo dhowaan heshiis la galay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah gaar ahaan xaaladda dowlad goboleedkaasi.

Janan ayaa marka hore shaaca ka qaaday arrimaha ay isku qabteen Axmed Madoobe oo uu ku eedeeyey in kaliya uu doonayo inuu noqdo qofka ugu sarreeya iyo kan ugu hooseeya ee Jubbaland, isla-markaana uusan waxba u ogleyn qof kale, sida uu hadalka u dhigay.

“Saaxiibkey Axmed Madoobe waxaan u sheegay in uu kaligiis rabbo afkaartiisa lagu socdo, qofkii ka fikir duwana uusan doonaynin,” ayuu yiri Janan oo haatan ku sugan Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in labadii sano ee ugu dambeysay ay dib u dhac wajaheysay Jubbaland, isla-markaana uu fadhiid noqday maamulka Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in illaa iyo hadda aan lasoo magacaabin golaha wasiirada Jubbaland, maamulka hadda jirana uu isku soo koobay Axmed Madoobe.

Hadalka Janan ayaa kusoo aadayo maalmo kadib markii ay dowladda ku soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.