Rooble oo ku ballan-furay wakiilada beesha caalamka iyo carro ka dhalatay – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa daqiiqaddii ugu dambeysay ka baxay ballan uu ka qaaday beesha caalamka oo aheyd inuu la kulmayo madaxda shanta madaxweyne goboleed, si loogu guuleysto qabsoomidda shirka madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada.

Rooble ayaa galabkii Taaladadii xafiiskiisa kula kulmay wakiilada beesha caalamka, kuwaas oo ku cadaadiyey inuu kaalintiisa hoggaamineed qaato oo uu la kulmo madaxda maamul goboleedyada, islamarkaana gacan ka gaysto sidii looga gudbi lahaa is-mari waaga ka taagan qabsoomidda shirka, taasi oo uu aqbaly.

Waxaa saacado un kadib kulankii Rooble, ay wakiilada beesha caalamka haddana la kulmeen madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo aad usoo dhoweeyey islamarkaana aqbalay inay la kulmaan ra’iisul wasaaraha. Xubnaha beesha caalamka ayaa isla goobta qoraal ugu diray Rooble una sheegay mowqifka Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Waxaa lagu ballamay in la kulmo Subaxii Arbacada ee shalay, ayada qorshuhu ahaa in heshiis looga gaaro ajendaha shirka iyo qaar ka mid ah qodobada kale ee la isku hayo.

Si kastaba goor dambe ayaa Rooble wuxuu qoraal usoo diray beesha caalamka, kana cudur-daartay kulanka, isaga oo wakiilada beesha caalamka u sheegay in shanta madaxweyne goboleed ay heshiis kasoo gaaraan ajendaha shirka kadibna ay isaga usoo direen, si uu dib u eegis ugu sameeyo, isagoo og in madax goboleedyada ay heshiis gaari waayey, kadib dhowr mar oo ay kulmeen.

Go’aanka Rooble ayaa si aad ah uga carreysiiyey wakiilada beesha caalamka, iyo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, kuwaas oo shalay galab soo saaray qoraal ay ku muujinayaan sida ay qaati uga taagan yihiin “xagal-daacinta” ay wadaan madaxda dowladda. 

“Waftiga Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Puntland iyo Jubaland oo muddo gaareysa sadex asbuuc ku sugan Magaalada Mogadishu, ayagoo ka jawaabey dalabkii Beesha Caalamka ee ahaa in shir wadatashi ah laysugu yimaado, ayaa wali ka dhursugaya qabsoomidda shirka. Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland iyo Jubaland waxay walaac ka muujinayaan in Madaxda sare ee muddo xileedkeedu dhammaaday ee Dowladda Federaalka ah ay xaggal daacineyso qabsoomicida shirkii loo fadhiyey inuu ka dhaco Magaalada Mogadishu,” ayaa lagu yiri qoraalka Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Ma cadda sababta uu Rooble u beddelay mowqfikiisa, islaamrkaana uga baxay ballantii uu qaaday, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu cadaadis uga yimid Farmaajo, oo dadaal xooggan u sameynaya in marnaba aan la kulmin, heshiisna uusan dhicin, si aan dalka doorasho u gelin.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in beesha caalamka ay quus ka taagan tahay xaaladda, ayna suurta-gal tahay in arrintan u gudbiso golaha ammaanka, si qaraar looga soo saaro, taasi oo Soomaaliya dib ugu celin karta marxaladdii ku-meel gaarka.