Sawirro: Beesha caalamka oo kulan xasaasi ah la yeelatay Rooble iyo farriin uu diray

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Waasaaraha xilka sii-hayaha Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiillada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen dardar gelinta iyo dhammeystirka arrimaha doorashooyinka dalka, si waafaqsan heshiiskii 17-kii September 2020 iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in beesha caalamka ay ku cadaadineyso Rooble inuu door muuqda ka qaato xalinta muranka doorashada, maadaama qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay diidan yihiin Farmaajo.

Rooble ayaa qoraalka ku sheegay in dowladda federaalka mar walba diyaar u tahay xal u helista arrimaha doorashooyinka iyo in ay si shuruud la’aan ugala xaajooto cid kasta oo ay khuseyso, ayna furan tahay gogoshii wadahadalka arrimaha doorashooyinka.

“Waxaan mar kale u xaqiijinnay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka in Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaar u tahay doorasho dalka ka dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan,si waafaqsan heshiisyadii doorashada la xiriiray ee horay loo gaaray, wadahadalna lagu xalliyo madmadowga jira.”

Rooble ayaa kadib kulanka farriin u diray madaxda maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mar kale ugu baaqeysaa madaxda dowlad-goboleedyada ka maqan Shirka Wadatashiga Qaran ee Arrimamaha Doorashooyinku in ay ku soo biiraan, si arrimaha lagu kala duwan yahay loogu xalliyo miiska wada hadalka, dalkana ay uga qabsoonto doorasho daahfuran,” ayuu yiri Rooble.