Muxuu Lafta Gareen caawa kala hadlay Shariif? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa caawa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ugu tegay madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shafiif Sheekh Axmed.

Booqashaas waxaa madaxweyne Lafta Gareen ku wehliyey xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, waxaana sida aan xogta ku helnay looga wada-hadlay khilaafka weli ka jira doorashooyinka dalka iyo shirarka socda.

Sheekh Shariif ayaa qoraal uu bartiisa Facebookga ku baahiyey kulankaas kadib waxuu ku yiri, “Waxaa Caawa booqasho noogu yimid Madaxweyne Cabdicaziiz Laftagareen Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada, iyada oo aan ka wada hadalnay xaaladda cakiran ee dalka iyo sida lagu gaari karo doorasho heshiis lagu yahay, kuna dhacda jawi nabdoon oo lagu wada kalsoon yahay.”

Sidoo kale madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa isna bartiisa Facebook-ga ku soo qoray, “Waxaan caawa hoygiisa salaan iyo booqasho ugu tagay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Booqasheyda waxaa igu wehlinaayey qaar kamid ah Wasiirada Koonfur Galbeed.”

Wali waxaa aad u cakiran xaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo aan wax xal ah laga gaari hanaankii loo qaban lahaa doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa ka mid ah madaxda illaa seddax dowlad goboleed oo taabacsan madxada waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka, halka Sheekh Shariif uu hadda yahay guddoomiyaha gole cusub oo siyaasadeed oo la yiraahdo ‘Badbaado Qaran’ kaas oo dhawaan Muqdisho looga dhawaaqay, isla markaana ay ka tirsan yihiin qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland.

Waxaa xusid mudan in madaweyne Lafta Gareen uu yahay saaxiibka ugu dhaw ee madaxweyne Farmaajo, marka loo eego madaxda kale ee dowlad goboleedyada dalka.