Daawo: Koox wadada Maka Al-Mukarama ka billaabay dhac ku cusub Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii ugu dambeeyay soo badanayey dhaca dadka shacabka ah loogu geysto magaalada Muqdisho, waxaana labadii berri ee u dambeeyay kusoo korortay dhaca loo geysanayo Ganacsatada meheradaha ku leh wadada Maka Al-Mukarama.

Waddada Maka Al-Mukarama oo ah aag ay dowladda federaalka gacanta ku hayso ayaa labadii habeen ee u dambeeyay waxaa dhac hor leh ka bilaabay kooxo ku hubeysan bistoolado, kuwaasi oo carwooyinka saaran wadadaas ka qaatay telefoono iyo agab kale.

Ganacsatada dhaca loo geystay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in rag ku hubeysan bistoolado ay ka dhaceen alaabo badan oo yaalay carwadooda, waxaana qaar kamid ah ganacsatada loo geystay jirdil intii ay kooxdaasi ku gudo jireen falkaas.

“Anagoo shaqadeena gudaneyna ayaa waxa noo soo galay niman tuugo ah, wey na-jirdileen oo bistoolado ayey wateen, xoog iyo handadaad ayey noo sheegteen hantideenina wey naga qaateen, waxay naga qaateen moobiladii aan ku ganacsaneyn ee kamid ahaa ganacsigayaga,” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada dhaca loogu geystay Maka Al-Mukarama oo la hadlay Taleefishinka Universal.

Ganacsade kale ayaa isaguna yiri “Xiliga fiidkii ayaa anigoo tukaanka ku jira ayaa waxa tukaanka iisoo galay labo nin oo dhalinyaro ah waxay iskaga key dhigeen macaamiil wax iga gadanaya, way ila hadleen, mid ayaa soo wareegay in aan dhulka fariisto oo xabadka dhulka dhigo ayuu igu amray, intaas kadib waxaa soo wareegay kii kale ee aan bistoolada waddan oo lasoo baxay bac, wuxuuna ku guray moobiladii.”

Ganacsatadan la dhacay ayaa kalsooni darro weyn ka muujiyey amniga goobta ay ku ganacsanayaan oo ah meel amaankeeda ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda, waxayna ka dalbadeen dowladda federaalka inay wax ugu qabato canshuurta ay ka qaado, islamarkaana ay ku sugaan amaankooda.

Si kastaba, arrintaan ayaa muujinayesa heerka dhaca uu ka gaaray magaalada Muqdisho, waana mid ku cusub in xili hore oo fiid ah dhac loo geysto ganacsiyada ku yaala afaafka hore ee wadada Maka Al-Mukarama.

Hoos ka daawo muuqaalka.