Wararkii ugu dambeeyey kulamada Axmed Madobe iyo Deni ee Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya, Staffan Tillander ayaa maanta Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Islaam ku booqday hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay xaalada xasaasiga ah ee uu marayo dalka iyo caqabadaha ku gadaaman qabsoomida doorashada, oo ay ugu horeyso khilaafka dhinacyada isku haya siyaasada dalka.

Waxaa si gaar ah diirada loogu saaray kulankaan sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa khilaafka doorashada, islamarkaana looga wada-shaqeyn lahaa in is-faham guud la gaaro, si uu u qabsoomo shirweynaha arrimaha doorashada.

Safiirka ayaa sidoo kale isla maanta la kulmay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Deni iyo Tillander ayaa kulankooda oo saacado badan qaatay uga wada-hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2021-ka.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla soo qaaday caqabadaha hortaagan qabsoomida shirka wada-tashiga ee u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Kulamada Safiirka ayaa qeyb ka noqonaya wada-hadallo maalmihii u dambeeyey ka socday magaalada Muqdisho, kuwaas oo looga arrinsanayey xaaladda adag ee kala guurka iyo qabashada shirweyne looga arrinsanayo doorashooyinka.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo toddobaadyadii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga soo horjeeda qorshaha dowladda iyo hannaanka ay ku wajaheyso doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana la’isku mari waayey kulamo maalmihii u dambeeyay la iskugu soo dhaweynayey madaxda sarre ee dowladda federaalka, Jubbaland iyo Puntland oo dhinac ah.