Maxaa looga hadlay shirkii maanta ee golaha wasiirada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya ayaa meenta yeeshay shirkoodii Khamiislaha ahaa, kaas oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka Golaha ayaa maanta ku qabsoomay habka fogaan aragga ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa golaha uga warbixiyay halka ay marayaan dadaallada iyo wadahadallada arrimaha doorashooyinka dalka ee u dhexeeya dowladda federaalka, iyo dowlad-goboleedyada dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa intii uu shirku socday waxuu golaha warbixin ka siiyey dacwaddii badda ee Soomaaliya kala dhaxeysay Kenya, taas oo dhawaan ay dhageysigeeda soo gaba-gabeysay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.

Shirkii maanta ee golaha ayaa sidoo kale wasiirrada qaar looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga dalka, dadaallada ka hortagga faafitaanka COVID-19 iyo qodobo kale.