C/llaahi Sheekh Xasan oo la sii daayey, balse sheegay arrin ka go’an in uu…..

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha isbahaysiga nabada C/laahi Sheikh Xasan ayaa xalay fiidkii xabsiga laga sii daayey kadib dadaalo ay bulshada rayidka sameeyeen .

C/laahi oo markii la sii daayey wareysi siiyey idaacada Dalsan ayaa sheegay inuu xur yahay kadib dadaalo axsaabta siyaasada ay sameeyeen iyo ururada bulshada rayidka .

“Xur ayaan ahay mana la i geysan wax jirdil ah intii ay i hayeen ciidamada “ayu ku yiri wareysigiisa. C/laahi ayaa dorraad laga xiray garoonka Muqdisho.

Waxa kaloo uu sheegay in cidii soo xirtayba aanu marnaba ka hari doonin, isla-markaana uu kala xisaabtami doono xarigiisii, oo uu ku sheegay inuu ahaa mid isaga loogu xadgudbay.

Dowladda Federalka ee Somaliya, ayaan ka hadlin xariga iyo sii deysmada C/laahi Sheekh Xasan, oo ah Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabadda iyo Dimoqraadiyada, sidoo kalana ka tirsan Siyaasiyiinta degan Magaalada Muqdisho.

Siyaasiga, ayaa waxaa lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde, xilli uu safar kaga soo laabtay Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya, iyadoo Nabad Suggidu ay u sheegtay in uu xarig yahay.

C/laahi Sheekh Xasan waxaa shalay la horkeenay Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka, waxaana laga qoray eedemihii lagu soo oogay, iyadoo uu si adag kaga horyimid, isla-markaana waxaa loo qabtay in 21-ka bishaan uu horyimaado Maxkamada Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com