Cabsi ku aadan in kiisaska Coronavirus ee dalka ay ka badan karaan midka ay maanta shaacisay DF

Muqdisho (Caasimada Online) ― Kadib markii goordhoweyd oo maanta ah ay Wasaarada caafimaadka Soomaaliya ay xaqiijisay in magaalada Muqdisho laga helay Kiis la xiriira fayruska faraha ba’an ku haya dunida ee Coronavirus, waxa soo baxaya cabsi balaaran.

Waxaana ka dhashay su’aalo badan oo cabsi abuuraya, midaasi oo ah inay jiran Kiisas ka badan inta Wasaaradu ay maanta shaacisay, maadama qofka la sheegay in cudurkaasi laga helay uu rakaab la saarna diyaaraddii uu Muqdisho ku yimid.

Inkasta oo ay wasaaradu aysan sheegin dalka uu qofkaasi ka yimid iyo waxa laga yeelay rakaabkii la saarnaa diyaarada, haddana waxaa loo badinaa inuu ka yimid Shiinaha, maadaama horey loo sheegay in dad ka yimid Shiinaha la karantiilayey, midaasi oo sii xoojineysa cabsida ku aadan in caabuqan uu gudaha u galay magaalada Muqdisho.

Wasaaradu marnaba kama aysan hadlin sidii laga yeelay rakaabkii kale ee la saarna diyaarada qofkan laga helay caabuqa, taasi oo ka dhigan in dadkaasi ay gudaha u galeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Haddaba, qaab nooceeya ayey Wasaaradu u martay kala xulista rakaabka wada saarna halka diyaarad, midaasi oo dhalisay in Hal qof oo rakaabkaasi kamid ah laga helo Coronavirus.

Markii qofkan uu imanayey Muqdisho durbadiiba lagama helin cudurka, taasi oo fududeyn lahayd in dadkii diyaaradda la saarnaa la karantiilo, hase yeeshee maadaama baarista loo diray dibedda, watqina ay qaadatay, dadkii diyaaradda la saarnaa qofkan waxay gudah u galeen magaalada.

Sababta kaliya ee dadka la karantiilayo loo hayo ayaa ah inay ka yimaadeen dalal uu ku faafay fayruska, hase yeeshee la isma weydiin dadka diyaaradda la saarnaa dadka la hayo waxa laga yeelayo.

Xanuunkan ayaa maalmaha hore astaamihiisu yihiin kuwa qarsoon oo aan qofka laga garan, taasi oo sahasha in qofka uu faafiyo inta aan lagu arag calaamadaha.

Waxaa la gudboon Wasaarada in warbixin ka balaaran midda ay maanta ku shaacisay ay ka soo saarto Kiiskan cusub ee la xiriira Coronavirus ee ay xaqiijisay inay dalka gudihiisa ka heshay.

Sidoo kale, go’aanka maanta lagu joojiyey duulimaadyada dalka wuxuu ahaa mid wanaagsan oo ka hortagi kara in dad badan oo xanuunka qaba ay soo galaan dalka.