Xog: Madaxweyne Farmaajo oo dib u dhigay shir uu la lahaa beesha caalamka 

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa lagu soo warramayaa inuu shalay dib u dhigay shir gaar ah oo uu la lahaa safiirada dalalka beesha caalamka.

Kulanka ayaa la filayey in lagu qabto xarunta Villa Somalia, balse madaxweynuhu uu baajiyey xilli dambe, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Waxaa shirka ka qeyb gali ahaa wakiilada dalalka Midowga Yurub, UK, ergeyga gaarka ah ee xoghayaha QM ee Soomaaliya iyo safiiro kale.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka oo ahaa mid hore loo sii qorsheeyey lagu waday in looga hadlo xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka soo socda iyo xiisada u dhexeysa dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ee ka taagan gobolka Gedo.

Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga sababaha rasmiga ah ee uu madaxweyne Farmaajo dib ugu dhigay shirkaasi oo ahaa mid xasaasi ah.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, xilli muddooyinkii la soo dhaafay dowladda federaalka ay cadaadisyo kala kulmeysay xubnaha beesha caalamka oo si aad ah isha ugu heyey dhaq dhaqaaqyada haatan ka jira qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa dhowaan sheegay in taageerada militari iyo midda dhaqaale ee uu siiyo Soomaaliya ay ka dhigan tahay in la isla xisaabtamo.