Madaxweyne Farmaajo oo war kasoo saaray xaaladda Coronavirus ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa ka hadlay cudurka Coronavirus oo maanta markii ugu horeysay la shaaciyey in qof qaba uu joogo dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa fariin u diray shacabka Soomaaliyeed, taas oo ku aadan caabuqa Coronavirus, waxuuna tilmaamay in ay ka go’an tahay dowladda Soomaaliya ilaalinta badqabka caafimaad ee dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in dalalka deriska la ah Soomaaliya ee Kenya iyo Itoobiya ay ka mid yihiin dalal badan oo caalamka ah, kuwaas oo uu ku faafay cudurkan, sida soo bandhigay diiwaan gelin uu sheegay in ay sameysay wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya.

“Ilaa iyo hadda waxaan xaqiijinnay gudaha dalkeenna hal qof oo bukaan ah. Xanuunkan waxaa khatartiisu gaarsiisan tahay meel aad u sarreysa oo waxa uu si deg-deg ah ugu faafay dalal badan oo ay ka mid yihiin dalalka dariiskeenna ah ee Itoobiya iyo Kenya ” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u hoggaansamaan talooyinka caafimaad iyo awaamiirta ay bixineyso wasaaradda caafimaadka, isla markaana la yareeyo isku socodka, safarrada, kulamada laga maarmi karo iyo wixii lamid ah, si loo yareeyo faafidda caabuqa COVID-19.

“Bulshada ayaa laf dhabar u ah dadaalka ay dowladdu kaga hortageyso cudurkan, sidaas darteed waa in ay u istaagaan wacyigelinta, una hoggaansamaan farriimaha caafimaad iyo qorsheyaasha dowladdu ay kaga hortageyso in dalkeenna uu ku faafo caabuqa Coronavirus”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa faray xukuumadiisa in ay dardar geliso tallaabooyinka iyo qorsheyaasha looga hor tegayo cudurkan si uusan ugu faafin dalka.

Halkan ka Daawo