Cabsi xooggan oo maanta ka taagan Muqdisho iyo DF oo qaaday tallaabo culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga cabsi qabaa in ay ka dhacaan falal amni darro, oo argagixisada uga faa’iideysato cayaarta Final-ka ah ee maamul goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug.

Dad aad u tiro badan oo taageerayaasha labada xul ayaa kusii qul-qulaya garoonka Stadium Muqdisho, ayada oo dowladda ay qaaday tallaabooyin looga hortagayo amni darro ka dhacda halkaasi, maadaama ay dad aad u badan usoo xaadireen daawashada ciyaarta Final-ka.

Ciidamo badan ayaa lagu xoojiyay amniga garoonka, ayada oo Booliska uu heegan ku jiro, si loogu sugo amniga garoonka iyo bad-qaba ciyaartoyda labada kooxood.

Marka laga imaado cabsida la xiriirta in kooxaha argagixisada ka faa’iidaysato fursad ay ku dhibaateyn karto dad intaasi le’eg ayaa ah in taageerayaasha soo buux dhaafiyay garoonka ay dhexdooda ka abuuranto rabshado khasaare ka dhashaan, maadaama ay ciyaarta maanta tahay mid aad u xiiso badan, oo koobka lagu kala qaadayo.

Ciyaaraha waxay leeyihiin xad iyo xamaasad la isla yaqaano, wax walba oo xuduudkooda dhaafa waxay dhaliyaan dhib ka badan macaashkii la raadinayay.

Sidda muuqata tartanka sanadkan ee maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ma keenin isdhex-galkiii bulsho ee laga filaayay, waxaana dhamaanteen marqaati ka nahay in deegaanadii qaar tartankii caro uga baxeen.

Nabadna ma keenin, oo intii uu tartanka socday dhimasho iyo dhaawac shacab ayaa laga soo wariyay garoonka.

Haddaba, ciyaarta Final-ka ee maanta dhacaya awgeed waxaa la gudboon taageere walba inuu muujiyo is-xilqaan iyo garaad wanaagsan, si loo helo Final nabdoon.

Gacanta ka qabo midka isku dayaya inuu suurad xumeeyo kubadda ama dhaawaco xasiloonida garoonka, kuna xisaabtan in aysan jirin wax ka muhiimsan in aad garoonka kasoo noqotid adigoo nabad qaba, waa farriinta u weyn ee maanta loo dirayo taageerayaasha labada kooxood.

Si kastaba, Tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo muddooyinkan ka socday Stadium Muqdisho ayaa maanta la soo gaba-gabeynaya, ayada oo koobka ay qaadi doonaan kooxaha HirShabeelle iyo Galmudug midkood.