Saddex arrin weyn oo xal iyo xikmad u baahan oo horyaal madaxweyne Saciid DENI

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku guuleystay doorashadii 8-dii bishaan ka dhacday Garoowe ayaa Khamiistii loo caleemo saaray hoggaamiyaha maamulka Puntland ee 5-ta sano ee soo aadan.

Saciie Deni ayaa guul-daradii federaalka iskaga maydhay dib ugu soo noqoshada hoggaanka maamulka Puntland, si uu markale u tijaabiyo damaciisa federaalka.

Dhowr arrimood oo xal iyo xikmad u baahan ayaa horyaalla Saciid Cabdullaahi Deni 5-ta sano ee soo aadan, iyada oo marwalba la xasuusan yahay inuu yahay tartame federaal ah oo aan rabin inuu ku hakado Puntland.

1. Khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka

Saciid Cabdullaahi Deni marwalba aad uma iibin karo in Puntland ka saxan tahay federaalka, wuxuu saddex sano ka badan oo muddo xileedkiisi hore ah ku kharash gareeyay inuu la diriro dowladda federaalka oo xilligaas hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Haddana labo sano ku dhowaad wuxuu dagaal siyaasadeed kula jiraa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shantiisi sano ee hore marna lama heshiinin dowladda federaalka, hadda maadaama uu helay shan sano oo cusub waa inuu ka baxaa dhaqanka uu caanka ku noqday ee ah khilaafka federaalka, oo uu abuura jawi xasiloon oo ay ku kala faa’iidi karaan maamulka Puntland iyo dowladda federaalka.

Dhamaan khilaafyadiisa waxay daarnayeen dano shaqsi ah.

2. Wax ka beddelka siyaasaddiisa hubeysan

Saciid Deni wuxuu ku jiraa siyaasiyiinta ku caan baxay siyaasadda hubeysan. Si uu u naqshadeeyo hankiisa federaalka ee aan qarsooneyn Deni waa inuu xukunkiisa ka saara gacan ka hadalka joogtada.

Ninkan ayaa ku suntan dagaalkii Baarlamaanka Puntland, kii magaalada Boosaaso iyo midkii ugu dambeeyay ee magaalada Garoowe ee ka dhashay furistii dastuurka. Dhamaan dagaalladaasi ayaa sababay geeri iyo dhibaatooyin laga baaqsan karay.

Shantiisa sano ee cusub waa inuu Saciid Deni gacan ka hadalka yareeya, si ay u liqaan inta ku diidan inuu yahay nin hubka aad u aaminsan.

3. Waa inuu waqti badan geliyo maamulka Puntland

Saciid Deni shantiisi sano ee hore wuxuu tamar badan geliyay federaalka, weliba si taban oo dagaal iyo damac shaqsi ah iskugu jirta, taasi oo naafeysay wax badan oo uu ka qaban lahaa baahiyaha ka jira deegaanada Puntland.

Shanta sano ee maanta u bilaabaneysa waa inuu Saciid Deni waqti badan u quura dadka doortay ee reer Puntland, oo uu hoos iskaga dhigaa tamarta uu sida taban u geliyo dowladda federaalka oo marwalba lagu eedeeyo inuu isku dayo inuu wiiqo tallaabooyinkeeda.