Xiligga Soomaali iyo Caalamka oo dhan ay ka hadlayaan Musiibadii ka dhacday Waqooyiga Bari ee Soomaaliya, ma jirto Qof ama Mas’uul hadalhaya Maalmahaan Musiibada ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Laba bilood kadib markii Wabiga Shabeelle uu ku fatahay gobalka Shabeellada Dhexe, ayaa kumanaan Qoys ay wali go’doonsan yihiin meelaha daadkaasi gaaay. Kumanaan ayaa Qaxay, Kumanaan ayaan wali helin Biyo, Cunto ama Daawo, halka Dadka Musiibadaan ku Geeriyooday lagu Qiyaasay 60 Ruux, 60kaasnah waa Qiyaas.
Maamulka Degmada Jowhar oo aan la xirriinay ayaa sheegay in Xaalad aad u xun ay haysato Boqolaal Qoys oo ku barakacay Degaano u dhaw dhaw Jowhar loona baahan yahay in la caawiyo.
Boqolaal Qoys oo ku noolaa Tuulooyinka Garaash Buulo Garaam, Koongo iyo kuwo kale oo hoostaga Degmada Jowhar ayaa isaga barakacay Guryahoodii.
Maamulka ayaa ku baaqay in Gargaar Deg-Deg ah lala soo gaaro Qoysas Danyar ah oo ku dhibateysan Deegaano hoos yimaada Magaalada Jowhar, wuxuuna sheegay in ay wali ku yartahay Raashin, Daawooyin iyo Bacaha Roobka laga galo.
Biyaha Fatahaad Wabiga Shabeele ayaa waxa ay sidoo kale Cagta mariyeen Kumanaan Hecter oo Beero ah kuwaa oo ku beerna Dalagyo kala duwan oo ay dadka Noloshooda ku tiirsanayad, waxaana soo baxday Cabasho xoogan oo Shacabka sameynayaan.
Yaa Dhageysanaya Qeylodhaanteena?
“Labo Bilood ayaan Hoy la’nahay, Labo Bilood ayaa Biyo Tuugeenaa iskaba daa Cuno ama Daawo, tan ugu Xanuunka badanah waxa waaye in Aduunka uu naga sii jeestay (…) Adeer ii sheeg Yaa dhageysanaya Qeylodhaanteena?” Ayuu yiri Burhan Cali oo 60 Jir, ahaan jiraynah Ganacsade oo aan Qada Telefoonka kala hadalnay.
Afhayeenka Maamul, Daa’uud Xaaji Cirro oo la hadlay Warbaahinta Dowladda, kana hadlayay Musiibadaan ayaa yiri “Waddooyinka ayaa xiran, xataa haddii aan dhahno aan u gargaarno Dadka dhibaateysan, suurtagal ma’aha waayo Dariiqyada ayaa Xiran”
Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata “Waxaan ka Codsaneynaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda in ay usoo gargaaraan Walaalahood oo la iska ilaaway, Caqli ma ahan in Musiibo laga hadlo (Dabeesha Gobollada Bari) lagana Aamuso mid kale (…) Islaamnimo ma ahan in 8 Saacadood kadib loo gurmado Dad, Dad kalenah 2 Bilood la iska ilaawo oo laga hadlin”
“Musiibo wayn ayaa Gobolka ka taagan”
8.000 ilaa 15.000 Kun ayaa ka barakaceen Guryahooda ilaa iyo markii Wabiga uu fatahay Bishii September, waxeyna Dadka inta badan ku Noolyihiin Xeryo, halka in ka badan 10.000 oo Qoys ay wali aaggaas ay daadadku ku dhaceen ku go’doonsan yihiin.
“Ma ahan wax laga hadli karo Musiibadaan, mana ii Sahlana in aan ka hadlo, waayo ilaa iyo Maanta ma naqaano inta ku Geeriyootay (…) Shalay kaliyah waxaan God kasoo bixinay Qoys 11 Gaarayay oo Qofnah ka badbaadin…” Ayuu yiri Mas’uul kamid ah Maamulka Degmada Jowhar.
“Dhulal waaweyn yaa waxey noqdeen Bad, waxaana kor sabeeynaya Mayd Dad iyo Xoolo”
Maamulka Gobolka ayaa sheegay in Musiibadaan aysan waxba ka qaban karin “Maamul ahaan, awood uma lihin in aan wax ka qabano musiibo intan la eg dadkana aan kaalmayno (…) Waxaana wali Taagero ka sugeynaa Shacabka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo Dowladda Soomaaliya”
Illaa iyo hadda, ma jiraan Hay’ado gargaar oo Caalami ah oo dhageystay Qeylodhaanta Bulshadaan. Hadaba, Yaa Cod u ah Kumanaanka ka Qaxay Biyo Fatahaada uu sameeyay Wabiga Shabeele?
Isha: KON

