28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

DFS oo u yeertay Safiir taageero u raadinayay M/Koonfur Galbeed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Turkiga  Maxamed Mursal , oo iminaka ku sugan Muqdisho ayaa sida la sheegay waxaa lagu heystaa dacwado kala duwan oo ku aadan qaladaada sida la sheegay uu sameeyay intii xilkan uu hayay.

Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya ayaa dhawaan u yeertay Safiirkii Turkiga u fadhiyay Somalia  kaas oo iminkala sheegay in Muqdisho uu jooga wasaarada arimaha dibadana ay ka dooneyso jawaabo dhowr ah oo ku aadan su’aalo howlihiisa shaqo laga weydiinayo kadib markii ay soo bexeen dacwado ka dhan ah isaga.

Arimaha ugu waaweyn ee lagu haysto Safiirka waxaa ka mid ah inuu dalka Iran u waydiiyay aqoonsi maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya oo imika dhismihiisu ka socdo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Waxaa la sheegay in ka hor inta uusan aqoonsiga u weydiin Iran Maamulka Koonfur galbeed uusan ku war galin ama wax xiriir ah uusan arintaan kala  samayn Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya.

Arimaha kale ee lagu eedeeyay waxa ka mid ah Xiriir xumo ku adan Safaaradaha Somalia iyo turkiga iyo in howsha Safaarada Somalia ee dalkaas inuu gaabis ku yimid iyadoona Dowladaha Turkiga iyo Somalia ay yihiin laba dal oo Saaxiibo dhaw ah.

Sidoo kale xubnaha wasaarada arimaha dibada ka tirsan ee la hadalnay ayaa sheegaya in arinta Safiirka gudi loosoo saaray isla markaana uu Muqdisho kusii sugnaan doono inta ay arintaasi dhinac u dhacayso.

Ambassador Maxamed Mursal ayaa horay waxaa halkaasi u geeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Federaalka KMG ahaa waxaana mudo uu ka shaqaynayay Safaarada.

Waa safiirkii u horeeyay ee Soomaaliyeed oo lagu eedeeyo inuu maamul goboleed aan wali hana qaadin aqoonsi u raadinayo, waxaana laga warsugayaa go’aanka ay kasoo saarto Wasaarada arimaha dibada iyo Xiriirka Caalamka oo iyadu gudi u saartay arinta Safiirka.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News