29.2 C
Mogadishu
Monday, April 13, 2026

Gaas oo xilka ka qaaday taliyaha Nabadsugida iyo ku-xigeenkiisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa xilka ka qaaday Taliyihii Ciidanka Hay’adda PIA Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Digreetadaasi ay daba socto isbedelada ka socda Puntland waxa uuna tilmaamay in digreetada ay dhaqan gali doonto saxiixiisa ka dib.

Madaxweyne Gaas ayaa Digreetada ku magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Hay’adda PIA Puntland Gaashaanle Dhexe Maxamuud Cabdi Maxamed.

Sidoo kale, waxa uu Taliye ku xigeenka Ciidanka Hay’adda PIA Puntland u magacaabay Gaashaanle Dhexe Siciid Salaad Maxamed.

Waxa uu sidoo kale magacaabay Taliyaha Runta Ciidanka Hay’adda PIA Puntland oo noqon doona Gaashaanle Dhexe Cabdiqaadir Jaamac Maxamed.
WAREEGTO

- Advertisement -

Read more

Local News