Xog: C/W Gaas oo diyaarinaaya qorshe halis ah oo ka dhan ah…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno ilo wareedyo ku dhow dhow madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas, ayaa sheegaya in madaxweynuhu wado qorsho uu isku shaandheyn ku sameyn doono Golaha Wasiirada maamulkiisa.

Wararku waxa ay sheegayaan in qorshahaani uu yahay mid iminka miiska u saaran Gaas, islamarkaana ay socdaan la tashiyo uu la sameynaayo saaxiibadiisa ku dhow dhow.

Madaxweyne Gaas ayaa isku shaandheyntiisa ku dhex lifaaqi doono xil ka qaadis iyo magacaabid Wasiiro cusub, waxa ayna xogtu tibaaxeysaa in ku dhawaad laba Wasiir uu saameyn doono isbedelka sida aan xogta ku helnay.

Wasiirada qaar ayuu ka wareejin doonaa Wasaarada ay iminka hayaan, qaarna waxa ay sii heyn doonaan Wasaaradahooda, halka qaarna ay daaqada ka bixi doonaan.

Madaxtooyada maamulka ayaa laga dareemayaa isbedelka soo socda, waxaana socda dadaalo ay wadaan Odayaasha qaar oo iyagu doonaaya in Wasiirada matalaaya aan laga qaadin xilkooda.

Ma cadda xiliga rasmiga ah oo ay dhaceyso isku shaandheynta inkastoo xogtu ay hoosta ka xariiqeyso inuu dhacaayo isbedelka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com