Xildhibaannada BF oo waqriga u kororsaday si farsameysan..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay labo qodob oo kamid ah dastuurka dalka Soomaaliya oo wax ka badal lagu sameeyay , iyadoo kulanka maanta ay ka qeyb galeen xildhibaano badan.

Kulanka maanta oo uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa waxaa lagu ansixiyay waxka badalka dastuurka gaar ahaan labo qodob oo xildhibaanada ay wax ka badaleen.

Qodobada wax laga badalay ayaa waxaa kamid ah in xildhibaanada haatan jira ay sii shaqeeyaan ilaa laga keenayo xildhibaano kale oo iyaga badalaya kuwaasi oo la dhisayo 20-ka bisha Agoosto.

Qodobada ayaa kala ahaa 136 oo dhigayay qaadashada waxka badalka dastuurka dalka iyo qodobka 60 aad oo dhigayay muddada xil heynta baarlamaanka Soomaaliya.

208 kamid ah 2015 xildhibaan oo xaadiriy kulankii maanta ayaa aqbalay waxka badalka dastuurka gaar ahaan labadaasi qodob, waxaana ugu dambeyn ku dhawaaqay Jaylaani Nuur Iikar gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka.

Gudoomiyaha gudiga waxka badalka dastuurka Maryan Cariif Qaasim ayaa ka hadashay goobta, waxaana ugu dambeyn la sheegay in xildhibaanada ay fasax galeen inta ka dhiman bisha Ramadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com