Video: Mudaaharaad ka dhan ah Shariif Xasan oo UK ka dhacay

London (Caasimada Online) – Waxaa isugu soo baxay boqolaal Soomaali ah wejiga hore ee Baarlabaanka dalka Ingiriiska.

Dadkan ayaa waxaa aay ku dhawaaqayeen erayo aay ka mid yihiin “Dooni Mayno Shariif Xasan” iyo “Shariif Xasan Waa gacan ku dhiigle” Soomaalida isku soo baxday oo ka soo jeeda Soomaalida degta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa wejiyadooda ka muuqday caro badan.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Ingiriiska oo si gooni ah ula hadlay dadkii soo abaabulay mudaaharaadka ayaa waxaa aay noo sheegeen in masuuliyiinta aay ballan qaadeen in wax laga qaban doono cabashadooda.

Shariif Xasan oo haraaga kaliya hoggaamiye kooxeedyadii gabalkoodii dhacay ee dalka soo maray oo weli ku jira masraxa siyaasadda Soomaalya.  Shariif Xasan ayaa ah hoggaamiye ku caanbaxay musuqmaasuq iyo hami weyn sidii uu ugu sii mid noqon lahaa hoggaamiye yaasha.

Waxaanan la saadaalin karin, halka uu mustaqbalka Shariif Xasan ku dhammaan doona marka aay dhacdo doorashada la filaayo in dalka aay ka dhacdo bisha sagaalaad ee sanadkan 2016

 

Halkan Ka Daawo Mudaaharaadka

Caasimada Online
Xafiiska London
caasimada@live.com