Trump oo aflgaadeeyey Somalida iyo jawaab kulul oo laga bixiyey

Minneapolis (Caasimada Online) – Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee madaxtinimada Mareykanka Donald Trump, ayaa dhowaan weerar kulul ku qaaday Soomaalida Mareykanka oo uu ku sheegay inay yihiin dad wada argagixiso ah oo ku biiraya kooxda Daacish.

Global Somali Diaspora ayaa si kulul u cambaareeyay hadallada Donald Trump ee ku aadanaa Soomaalida Mareykanka, darbiga uu sheegay in uu ka dhisayo inta u dhaxeysa Mareykanka iyo Mexico, dadka uu masaafurinayo iyo arrimo kale oo ninkan caan ku yahay.

Global Somali Diaspora waxaa ay sheegeen in Trump hadalkiisa ahaa in Soomaalida Minnesota ay isku dayeen ku biirista Daacish ay ka muuqato naceyb, xaqiraad iyo yasmo ku aadan kaalinta ay bulshada Soomaaliyeed ka ciyaaraan horumarka iyo dhismaha dalka Mareykanka.

Ugu dambeyntii Global Somali Diaspora waxaa ay Donald Trump ku casuumeen kulan dhexmara labada dhinac iyadoo sheegan in ay wax badan ka tusi doonaan kartida iyo sida ay bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool Mareykanka u hormariyaan, waase haddii arrinkaas uu diyaar u yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com