Gaafoow oo dareen ka muujiyay sida loola dhaqmay askarta NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha KMG Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia Janaraal Cabdulaahi Gaafow, ayaa shaaca ka qaaday in wada shaqeyn xoog leh uu la sameyn doono dhammaan Shaqaalaha, Saraakiisha iyo Ciidamada NISA.

Janaraal Cabdulaahi Gaafow, waxa uu sheegay inaan mugdi galin doonin xuquuqda Ciidamada NISA, waxa uuna cod dheer ku sheegay in waxbadan uu kusoo biirin doono Hay’adda Sirdoonka mudada uu xilkaasi sii heyn doono.

Janaraal Cabdulaahi Gaafow, waxa uu tilmaamay inay ku adag tahay inuu la shaqeeyo Ciidamo xuquuq la’aan ah waxa uuna bidhaamiyay in Askari waliba uu si saafi ah u heli doono xuquuqdiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Gaafow waxa uu xaqiijiyay inuu hayo xogo muujinaaya inay jiraan Boqolaal Askari ka tirsan Hay’adda NISA oo aan si rasmi ah u helin xuquuqdooda balse uu noqon doono mid ka xaqabtira dhibta ay ku shaqeynayaan.

Waxa uu qiray in Hay’adda NISA ay tahay halboolaha Qaranka sidaa aawgeedna uu si siman u bixin doono xuquuqda Askarta.

Dhanka kale, Janaraal Cabdulaahi Gaafow, ayaa si rasmi ah 15/6/2015 ula wareegay xilka waxa uuna ballanqaaday in si cadaalad ah ay kuwada shaqeyn doonaan isaga iyo ciidamada NISA.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com