CADEYN: DF SOMALIAoo warqado dacwo oo ka dhan ah Axmed Madoobe u gudbisay ETHIOPIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Shabakada Caasimada Online ayaa heshay nuqulo kamid ah qoraal uu Wasiirka arrimaha Dibadda DF Somalia Cabdisalaan Hadliye u diray Dowlada Ethiopia.

Qorista warqadahaani hoose yaalla ayaa ah dalabka Madaxweyne Xassan oo isagu dacwad u gudbinaayay Wasiirka arrimada dibadda Ethiopia Tedros Adhanom, waxa uuna Xassan Sheekh warqadahaani uga dacwoonayaa Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Sidoo kale, DF Somalia ayaa qoraalkaani Dowlada Ethiopia uga digtay inay ka qeyb gasho Caleemasaarka Axmed Madoobe sida ku cad qoraalka warqada.

Dacwada laga gudbiyay Axmed Madoobe ayaa waxaa kamid ah inuu ka baxay heshiis yadii lagu galay Itoobiya laba sano ka hor.

DF waxa ay qoraalka ku dalbatay in la hakiyo xafladda ka socota Kismaayo ee caleema saarka ah.

1

2