Xog: Madaxweyne Xasan iyo xulafadiisa oo lagu amray in ay tagaan Kismaayo (Warqad yaab leh)

Kismaayo (Caasimada Online) – Iyadoo ay hadda socoto xafladdii caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa xafladda si lama filaan ah uga soo qeyb galay Madaxweynaha Xasan Sheekh oo ay wehliyaan Sharif Xasan Sheekh Adan, Cabdikarim Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalam Hadliye.

Waxaa ay ahayd maalin ka hor markii aay DFS u dirtay warqad ay kaga codsanayaan in Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya aanu ka qeyb gelin xafladda Caleema Saarka Madoobe.

Ilo lagu kalsoon yahay oo u warramay Caasimadda Online ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya uu ug soo jawaabay sidatan

“Waan Helay fartintaadii Mudane Wasiir.
Waxaanan kuu sheegayaa in aan iman doono berrito Kismaayo si aan uga qeyb galo xafladda Caleema saarka ee Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islam.
Haddaba waxaad iga gaarsiisaa Madaxweynaha JFS Hassan Sheekh Maxamuud iyo dhammaan Dowlad goboleedyada kale ee ka maqan xafladda in ay berrito yimaadaan Kismaayo oo ay igala qeyb galaan xafladda caleema saarka.
Waxaad ogaataa in haddii aanay iman xafladda caleema saarka mudanaayaasha kor xusan in Siyaasaddu ay yeelan doonto weji kale, waayo waxaan u hurnay dhiig iyo maal in ay dhacdo xafladdaan mana aqbali doonaa wax mar-marsiiyo ah.
Waxaan ku rajo weynahay in adiga qudhaada aad iman doonto xafladda, ma iga ballan qaadi kartaa inaad imaneyso?
Mahadsanid
Tedros Adhanom Ghebreyesus”

Nuqulka warqaddaan oo ay heshay Caasimadda Online ayaa u qornaa sida kor xusan.

Haddaba, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah. Soomaaliya Ma Xorbaa? Waxaa ay ahayd maalintii shalay markii uu wasiirka Arrimaha Dibadda u diray waraaq uu kaga codsanaayo in wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya aanu ka qeyb gelin xafladda caleema saarka (Halkan Ka Akhri)

Waxaa sidoo kale ilo xog-ogaal ah ay Caasimadda Online u sheegeen in Madaxweynaha JFS iyo wafdigiisa lagu amray in ay caawa Kismaayo seexdaan, iyadoo weliba Tedros Adhanom Ghebreyesus uu shir gudoomin doono shir ay berri yeelan doonaan dhammaan madaxweynayaasha gobolada iyo Madaxweynaha JFS, kaasoo lagu wado in uu ka soo baxo ROADMAP iyo habkii uu u dhici lahayd doorashada 2016.

Waxaa kale uu caasimadda online u sheegtay ilahan xog-ogaalka ah in Dowladda Itoobiya ay walaac badan ka qabto wixii ka dhacay Garbahaareey oo ay shacabka ay kula dagaalameen ciidanka Itoobiya, iyagoo markaa ka cabsi qaba in kacdoonkan uu saameeyo dhammaan meelaha ay joogaan ciidankooda waa kuwa Itoobiya.

Wixii dheeraad ah dib ayaan idin kala socodsiin doonaa

Caasimadda Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com