R/W CCC Sharmaarke oo xil cusub magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa waxaa lagu magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Cadaaladda.

Xoghayaha Joogtada ayaa waxaa loo magacaabay Dr. Ismaaciil Jimcaale Calasow, kadib markii Ra’isul wasaaraha uu u sababeeyay baahiyaha gaarka ah ee loo qabo xilkaasi.

Magacaabidaani ayaa waxa ay qeyb ka noqoneysaa dadaalo uu Cumar C/rashiid isbedel ugu sameynaayo Agaasimayaasha iyo Xoghayeyaasha joogtada ee wasaaradaha, kuwaasoo muddo xilalka haya.
e1