Xasan Sh. oo shaki ka qaba weerarkii Kismaayo!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Somalia iyo laamaha amaanka dalka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkii ismiidaaminta ee ka dhacay xarun lagu tababaro Ciidamada Dowlada ee ku yaalla Magaalada Kismaayo.

Afhayeen u hadlay Ciidamadii ku jiray Xarunta la weeraray C/rashiid Macalin Gaas ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid lagu bartilmaameysanaayay Cutubyo ka tirsanaa Ciidamada Hogaamiye kooxiidkii hore Col. Barre Hiiraale.

Waxa uu sheegay in Gaariga weerarka lagu fuliyay uu kasoo anbabaxay Xarunta uu Kismaayo ka deganyahay Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe kadibna uu soo dhexmaray Xarumo badan oo ay ku kala sugnaayen Ciidamada Raaskambooni iyo kuwa Kenya balse uusan halkaasi isku qarxin, ujeedkuna uu ahaa mid lagu beegsanaayay Ciidamada Col. Barre Hiiraale ee dhawaan lagu biiriyay Ciidamada la qarameynaayo.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Somalia ay baaritaano ku sameyn doonto weerarkii laga fuliyay Xero ciidan, waxaana shaki laga muujiyay qaabka uu weerarka u dhacay.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladu ay si dheeri ah u baari doonto weerarka inkastoo uusan dareensiin Maamulka Jubba tuhunka jiro hadana waxa uu ka tacsiyeeyay Ciidamadii ku dhintay Qaraxa oo taabacsanaa Col Barre Hiiraale.

‘’Wan ka tacsiyadeynayaa weerarka ismiidaaminta ee ka dhacay Kismaayo. Dowladu waxa ay sameyn doontaa baaritaano lagu xaqiijinaayo waxa uu ahaa weerarkaasi iyo qaabka uu u dhacay waayo Dowladu hadaf ayay tiigsaneysaa’’

Haddalka kasoo yeeray Afhayeen C/rashiid Macalin Gaas, ayaa abuuray shaki badan kadib markii uu si qoto dheer uga sheekeeyay qaabka uu Qaraxa u dhacay iyo halka uu gaarigaasi ka soo baxay isagoona cadeeyay inay la socdeen Ciidamo ka tirsanaa kuwa Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com