“Ka ganacsiga mooshinka ee BFS ayaa socda”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmo ka hor uu saddex sano jirsaday BF Somalia ayaa waxaa isbarbar dhig howlaha u qabsoomay ku sameeyay Xildhibaan Shire Cabdi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Jubbaland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in BF uu 3 sana jirsaday isaga oo aan qaban howlihii loo idmaday inuu hirgaliyo, waxa uuna tilmaamay in waxqabadka Baarlamaanka uu kusoo idlaaday Mooshin iyo laqdabo aan dhamaan.

Waxa uu sheegay in BF Somalia uu si cad u lumiyay fursado badan oo la doonayo in shacabka wax loogu qabto, balse cagsigeeda ay xoojiyeen Mooshinadii ay gudbin jiree.

‘’Waa hubaal in BF uu inbadan ka meer meeray howlihii laga sugaayay inuu qabto, waayo Xildhibaanadu waxa ay ka dhamaan wayen Mooshin iyo dhaliilo, waxaa ii muuqata hadii uu sidaa kusii shaqeeyo inaan la gaari doonin hiigsigii 2016 lagu bedeli lahaa xaalada iminka uu ku jiro dalka’’

Waxa uu tilmaamay in Mooshinkii ay Xildhibaanada ka gudbiyeen Madaxweyne Xassan uu carqalad hor leh u abuuray dalka, waxa uuna arrin fool xun ku sheegay ficilada ay ku dhaqmayaan Xildhibaanada BF.

“Wanaaga waxa uu ku jiraa in xildhibaanada ay is barbar dhigaan hiigsiga 2016-ka iyo in madaxweynaha la rido keebaa wanaagsan, ma ahan in Sanad haray ay wax walba ku qaribaan maadaama aysan markii horeba shaqo badan aysan qaban”

Dhanka kale, BF Somalia ayuu ugu baaqay inay ka waantooban carqaladeynta nabada yar ee uu heysto dalka, waxa uuna kula taliyay inay dib uga laabtaan Mooshinka si Xassan Sheekh uu u dhameysto wakhtiga yare e u harsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com