Cadkee ayay Soomaaliya ku leedahay MADASHA Shiinaha iyo dalalka Afrika?

Waxaa maanta magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ka furmaya shirweynaha Madasha Shiinah iyo Africa ee loosoo gaabiyo FOCAC.

53-da ee ka qeybgalaya waxaa ka mid ah Soomaaliya oo ay u tahay markii labaad oo ay shirkani ka qeybgalayso muddadii 18-ka sano ahaa ee uu soo jiray.

Cadka Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 3 maalmood ka hor shirka tagay dalka Shiinaha, halkaas oo ay uga biloowday socdaal shaqo oo ka madax banaan madasha FOCAC.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, labada dowladood ayaa kala saxiixday ” labo isfaham oo ku saabsan Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative) iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee labada dal oo ay kala saxiixeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye”.

Heshiiska Kaabayaasha dhaqaalaha waxa uu shuruud u yahay, ka faa’iideysashada mashaariicda FOCAC ee Shiinaha uu ku bixiyo Afrika oo sanadkii gaaraya $60 bilyan oo doolar, kuwaas oo wixii hadda ka horeeyay aysan Soomaaliya hal shilin xitaa ka helin duruufaha uu dalka ku sugnaa awgood iyo sababo kale.

Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay ee Ganacsiga iyo Horimarka ee UNCTAD, ganacsiga ka dhaxeeya Shiinah iyo Africa waxa uu sannadkii 2000 ahaa $10 bilyan, balsee 17 sano kadib waxa uu gaaray wax ka badan 20 laab tiradaas oo ah $200 bilyan oo doolar.

Shiinaha waxa uu sanadihii dhawaa dalalka gobolka Geeska Afrika ka fuliyay mashaariic waaweyn oo horumarineed, waxaana ka mid ah qadka tareenka ee isku xira magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi, iyo kan isku xira Jabuuti iyo Addis Ababa.

Sida ay BBC-da u sheegeen saraakiil sarsare oo dowladda Soomaaliya ka tirsan, shirkana ka qeybgalaya, Shiinaha waxa uu u arkaa in sida kaliya ee faa’iido badan looga heli karo mashaariicdiisa ay tahay in dhaqaale ahaan iyo ganacsi ahaan la’isku xiro dalalka Bariga Afrika, si taas loo sameeyana la dhiso kaabayaal dhaqaale oo dalalkan isku xiraya.

Dalka ugu weyn ee la filan karo in ganacsi uu dhex maro waa Itoobiya oo dad ahaan gaaraya 100 milyan oo qof, kuwaas oo aanan haysanin wax deked ah, mana ahan arrin shil ah in madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Dr Abiy Axmed ay ku kulmaan shirka Beijing.

Kulanka labada mas’uul ayaa imanaysa xilli dhawaan magaalada Addis Ababa lagu daahfurey guddi labada dal ka socda oo qaabilsan fulinta heshiisyadii kal hore lagu kala saxiixday magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in heshiisyadaas ay ka mid yihiin maalgashiga illaa 4 dekadood oo waaweyn.

Waa xilli hore in hadda lasii sheego inta ay la’egtahay lacagta ay Soomaaliya ka heleyso mashaariicdan horumarineed, sababtoo ah waxaa ka horeeya arrimo badan oo farsamo, balse waxaa cad in si guud la’iskula qaatay in iskaashi weyn la sameeyo.

Qaanta Afrika Afrika

Waxaa jira walwal ah in Shiinaha uu qaameynayo Afrika iyada oo aanan la haynin wax qorshe cad ah oo deymaha la’isaga bixinayo.

Sida uu sheegay sanduuqa lacagta adduunka ee IMF , boqolkiiba 40% dalalka Afrika waa kuwa aad ugu itaal daran in ay iska bixiyaan deymaha. Waxaana jirta in deymo badan oo horey Afrika loo siiyay ay iska bixin weysay.

Balse ninka lagu magacaabo Akinwumi Adesina oo ah dhaqaaleyahan ka tirsan Bangiga Horumarinta Afrika (ADB), maalgashiga Shiinaha waa mid aad loogu baahanyahay, yahayna saaxiibka ugu wanaagsan ee ay Afrika leedahay.

Inta uusan shirka furmin ka hor, wasiirka arrimaha dibeda Shiinaha Wang Yi ayaa yiri “Shirkani waa kii ugu balaarnaa ebed ee dunida ka qabsooma”.

Deymaha oo kaliya ma ahan waxyaabaha walwalka laga qabo, sida uu sheegay Robert Kappel oo ka tirsan jaaamacadda Leipzig ee Jarmalka, Shiinaha waxa ay Afrika u dhoofiyaan alaabo tayadooda ay hoosayso.

Baahida Gaarka ah ee Afrika

Soomaaliya aad ayay uga duwantahay dalalka ka kale ee mashaariicdan ka faa’iideysanaya marka laga hadlayo burburka ku dhacay kaabayaasha dhaqaalaha.

Waddooyinkii ugu muhiimsanaa ee Soomaaliya ku yiilay, oo qaarkood uu horay Shiinaha u dhisay ayaa inta badan burburay, waxayna dowladda hadda joogta u aragtaa in dhaqaalaha dalka uusan soo kabsan karin illaa waddooyinkaas la dhiso sida uu sheegay wasiirka ganacsiga.

BBC