Dowladda Soomaaliya oo magacowday dhowr safiir oo cusub (Aqri magacyada)

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii golaha wasiirada dowladda federaalka Soomaaliya ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomalaiya ayaa lagu ansixiyey saddex safiir cusub oo Soomaaliya ay ku yeelan doonto qaar ka mid ah dalalka dunida.

Safiirada ay ansixiyeen golaha, oo aan la shaacin dalalka ay tagi doonaan ayaa kala ah:

1 – Xaawa Xasan Maxamed, oo ahaan jirtay wasiirka caafimaadka Soomaaliya, intii uu xukunka hayey madaxweyne Xasan Sheekh.

2 – Cabdi Weli Jaylaani Xaaji Cabdow

3 –  Dr. Ibraahim Isxaaq

Dhowaanahan ayaa waxaa Soomaaliya caadi ka ahaa in la magacaabo safiiro, ayada oo aan la shaacin dalalka ay tagi doonaan, ayada oo aan la aqoon sababta sidaan loo sameeyo.

Si kastaba qaar ka mid ah dadka arrimahan la socda ayaa sheegaya inay tahay ayada oo dowladda aysan dooneyn inay beelaha qaar ka carroodaan, ayaga oo dhaliilaya dalka qofkooda safiir loogu magacaabay.

Caasimada Online ayaa isku dayaysa inay hesho xogta dalalka loo diray safiiradan, waxaana idiin soo gudbin doonaa marka aan ku guuleysano inaan ogaanno, insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com