Dubai (Caasimada Online)- Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay dagaal shaley waaberigii ka dhacay deeganka Saaxdheer ee gobalka Sool.
Siyaasiga Cali Geedi oo hadda ku sugan dalka Immaaraadka carabta ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dagaalka ka dhex qarxay maamulada Somaliland iyo Khaatumo State, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac in ay joojiyaan dagaalka oo ay qaataan wadahadal iyo dib u heshiisiin.
Cali Geedi ayaa tilmaamay dagaal in uu abuurayo kala fogeyn iyo dad oo ku dhinta balse wuxuu is weydiiyay cidda ay dani ugu jirto dagaalka.
Wuxuu kaloo Soomaalida meel kasta oo ay joogaan uga digay dagaal dhex mara kaasoo dhiig uu ku daato, isagoona yiri waxaa ka wanaagsan iyadoo wadahadal iyo walaaltinimo wax ku dhammeesta.
Hadalka Cali Geedi ayaa ku soo aadaya iyadoo shaley dagaal xooggan uu ka dhacay deeganka Saaxdheer oo lagu waday in lagu caleemo saaro madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo, Cali Khaliif Galeyr.
Dhinaca kale, Cali Geedi ayaa gaashanka u daruuray wararka sheegaya in uu ka mid ahaa xubno siyaasiyiin ah oo lagu qabtay deeganka Saaxdheer intii uu socday dagaalka.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho