Guddoomiye Cali Jayte: Nin Muslim ah ma’ihi haddii aan aqbalo isbaaro + Video

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayre Cismaan ayaa go’aan culus kasoo saaray in isbaarooyin la dhigto gobolkaasi.

Cali Jayte ayaa sheegay in bishii lixaad ay ku jiraan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, ayna ku jiraan xaalad adag, sidaas daraadeedna aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo shacabka ah.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa wacad ku maray, inuu tallaabo uu ka qaadi qof kasta oo isbaaro dhigto ama waddada u galo dadka shacabka ah ee safraya.

“Islaanimadeyda ayaa gaasir ah oo nin muslim ah ma ihi hadii aan aqbalo in Isbaaro la dhigto” ayuu yiri Cali Jayte oo hadalkan ka jeediyey deegaanka Teedaan.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray kooxaha dhigta jidgooyooyinka, isaga oo ugu baaqay inay soo galaan ciidamada, kuna biiraan dagaalka ka socda gobolka Hiiraan.

“War burcadow, kuwa jidka galayow ilmo adeer yaalow na kala bad-baadiya soo gala ciidamada iyo dagaalka socdo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyey qaylo dhaan iyo walaac laga muujinayey isbaarooyin horleh oo lasoo dhigtay deegaanada maamulka HirShabelle.