Xog: Weerarkii lagu qaady Hotel Villa Rays ‘oo jawaab la’aan aan noqon doonin’

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheynayso tallaabada ku habboon ee ay qaadi laheyd, kadib weerarkii dableyda Al-Shabaab ka tirsan ka gaysteen Hotel Villa Rays ee magaalada Muqdisho.

Hotelkan oo madaxtooyada qaranka ka xigga dhanka degmada Boondheere ayaa ku yaalla goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo oo ka tirsan xeendaabka xarunta Villa Somalia.

Weerarkan ayaa intii uu socday waxa uu saameeyay dhaqdhaqaaqa madaxtooyada qaranka iyo dhismooyinka kale ee hay’adaha dowladda ee halkaasi ku yaalla, iyadoo uu hadalhayn xoog lehna ka dhex dhaliyay qaybaha bulshada.

Dadka wax ku qora barraha bulshada ayaa su’aal geliyay sida lix nin oo Shabaabka ka tirsan ugu suurtagashay inay ka gudbaan barraha kontorool ee lagu hubiyo amniga hotelkaasi oo muhim u ah qasriga Madaxtooyada, waana xilli wadooyinka hotelkaasi soo gala ay markii horeba u xirnaayeen amniga madaxtooyada. Weerarka ayaa intii uu socday waxay dableydaasi gantaalaha garbaha laga tuuro ku garaaceen gidaarka madaxtooyada.

Wadooyinka iyo isgoysyada kale ee ka baxsan madaxtooyada waxaa yaalla barro kontorool oo amniga gaadiidka iyo dadweynaha lagu hubiyo, iyada oo dadku ku adagtahay in si caadi ah isaga kala gudbaan.

Dadka qaarkii ayaa qaba aragtida ah inaanay Shabaabku weerari kari lahayn goob amnigeeda sidaasi loo ilaaliyo, haddii aysan jiri lahayn gacan gudaha ah.

Ma cadda nooca ay jawaabcelinta dowladdu noqon doonto, lamana garanayo haddii saraakiil ay xilkooda ku waayi doonaan iyo haddii kalaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha ku dhow dhow ayaase dersaya waxa ay noqon kareyso tallaabada xigta ee ay dowladdiisu qaadayso. Horey ayaa Dowladda Federaalka ayaa lagula taliyay in ay wax ka bedesho hannaanka lagu sugo amniga caasimadda Muqdisho, tiiyoo wax ka suurtagalay aanay jirin.

Sidaa aan xogta ku helnay Villa Somalia ayaa garowsan in weerarkani uu weji gabax ku yahay dowladnimada dalka, haddii uu cagaha la soo galay aqalkii dalka looga arriminayay.

Weerarku waxa uu imaanaya xilli dowladdu ay dhawaan sheegtay in hawlgalada ka socda gobolada dalka qaarkood lagu dilay 600 oo ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab, halka 1200 kalena lagu dhaawacay.