R/W Xamza oo mashaariic dowladeed u muhiim ah u xiray xildhibaano ku dhow

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, oo in ka yar shan bilood haya hoggaanka xukuumadda Soomaaliya, ayaa billaabay inuu mashaariicda dowladda u xiro qaar ka mid ah saaxibadiisa gaarka ah, sida ah ogaatay Caasimada Online. 

Xamza ayaa ugu horreyn hoggaanka xafiiskiisa u dhiibay xubno ay isku beel yihiin, ayada oo xoghayaha joogtada ah ee sida dadban u maamula xafiiska uu yahay Axmednuur Ulaax, oo ahaa xoghayihii joogtada ee ra’iisul wasaare Kheyre, inkasta oo xilkaas uu hadda ku magacaaban yahay Maxamed Zubeyr.

Axmadnur oo la-taliye ahaan u jooga xafiiska, ayaa haddana haysta awoodda ugu ballaaran, isaga oo ceyrin karo ama shaqaalayn karo ciddii uu doono, halka Maxamed Zubeyr uusan haysan awood dhaafsiisan inuu xilka ku magacaaban yahay.  

Waxaa sidoo kale xafiiska ra’iisul wasaaraha awood ballaaran ku leh laba xildhibaan oo kala ah Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Firimbi) iyo Xildhibaan Maxamed Jamaac Mursal (Geelle) oo labaduba ka soo jeeda beesha ra’iisul wasaaraha.

Labada xildhibaan ayaa saameyn weyn ku leh go’aanada uu Ra’iisal Wasaare Xamza qaato, waxaana ay yihiin la-taliyalaal uu ku kalsoon yahay oo uu talooyinka ka qaato, ayaga oo xafiiska ka qaata dhaqaale lagu sheegay “taabagalinta go’aanada Ra’iisal Wasaaraha.”

Sida Caasimada Online ay u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay, saddex asbuuc kahor, waxa uu Ra’iisal Wasaare Xamsa xafiiskiisa isugu keenay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, iyo Geele iyo Xasan Firinbi, ayada oo kulankaas lagu go’aamiyay in labada xildhibaan lagu wareejiyo qanadaraaska maamulka iyo uruurinta dhaqaalaha kasoo xarooda bixinta ruqsadaha wadidda gawaarida iyo canshuur qaadka mootooyinka Bajaajta ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho.

Mashruucan ayaa waxaa hadda kadib maamuli doono shirkad ay labada xildhibaan gadaal ka joogaan, waxaana la rumeysan yahay inay lacago badan kasoo gali doonto labada xildhibaan.

Guddoomiye Yuusuf Xuseen ayaa sidoo kale waxaa lagu amray in mashaariic kale dib loo furo sida kuwa qashin qaadka iyo kan shidaalka, kuwaasi oo ay qayb weyn ku yeelan doonaan labada xildhibaan oo wakiil ka ah Ra’iisal Wasaare Xamza. 

Qaar ka mid ah agaasimaye waxeedyada gobolka Banaadir ee dhawaan uu magacaabay Gudoomiye Yuusuf Madaale ayaa sidoo lagu amray inay si toos ah ula shaqeeyaan labada xildhibaan.

Waxaa muuqata in Ra’iisal Wasaare Xamza uu doonayo in saaxiibadiisa gaarka ah ay dhaqaale ka sameeyaan mashaariicda gobolka Banaadir, qayb ka mid ah dhqaaalahaas ayaa isaga si toos ah ugu dhaceysa koontooyinkiisa iyada oo la soo marsiinayo ilo kala duwan oo qarsoodi ah.

Sida la ogyahya, Ra’iisal Wasaare Xamza ayaa kaalin weyn ku lahaa magacaabista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen, waxaana hadda muuqata in Madaale uu abaalgudayo.