Al-Shabaab oo Sh/Dhexe ku dishay 10 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan waayeelo

Nuur Dugle (Caasimada Online) – In ka badan 10 qof o shacab ah ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen duleedka deegaanka Nuur-Dugle shalay.

Dhowr qof oo waayeello ahaa ayaa la sheegey inay ka mid yihiin dadka ay Al-Shabaabku ku dileen deegaankaas, waxaana weerarkan uu dhacay Khamiistii. 

Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee wax ka hoggaaminaya hawlgalada ka socda Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in Al-Shabaab ay toban qof oo shacab ah ku dishay tuulooyin hoostagga deegaanka Nuur Dugle ee gobolkaasi.

Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weerartay fariisimo xoogaga deegaanka ku leeyihiin tuulooyinkaasi, islamarkaana ay iska caabin xoog leh kala kulmeen Macawiisleyda, sida uu yiri.

Xildhibaanka ayaa xusay ujeedada ay Shabaabku rayidka u beegsanayaan inay tahay si ay u cabsi geliyaanuga hortaggaan kacdoonka dadka shacabka ah ee looga soo horjeedo ururkaas.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa Macawiisleyda ayaa horaantii bishii hore ee November la wareegay deegaanka Nuur Dugle iyo tuulooyinka hoostagga.

Al-Shabaab ayaa horey shacab badan ugu laysay gobolka Hiiraan, ayada oo kadibna qiil ka dhigatay inay ahaayeen dad hubeysan.

Beesgiga Al-Shabaab ayaa loo arkaa mid laga leeyahay laba ujeedo, oo tan koowaad ay tahay ka aargudasho shacabka hubka u qaataan inay iska xorreeyaan, halkan tan labaadna ay tahay in lagu cabsi geliyo inay kuwa hor leh hubka qaataan.