Maxaa looga hadlay kulanka Muuse Biixi iyo DP WORLD?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu maanta Madaxtooyada ku qaabiley wafdi uu hogaaminayo Maareeye-ku-xigeenka ahna Agaasimaha Maamulka iyo Madaxa Fulinta Bariga Dhexe iyo Afrika ee Shirkada DP World Mr. Suhail Al Banna.

Kulanka ayaa waxa lagaga wada-hadlay qodobbo dhawra oo la xidhiidha mashaariicda ay DP World ka wado Somaliland, gaar ahaan magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera.

Sidoo kale waxaa diirada lagu saaray dhamaystirka dhismaha qaybta koowaad ee Aaga Cashuuraha ka caagan (Free Zone) oo lagu wado in bishan December aakhirkeeda la dhammaystiro, iyada oo uu ku xigi doono hawsha fulinta wejiga labaad.

“Waxaa xusid mudan in ay jiraan Shirkado badan (Companies) kala duwan oo isugu jira Ajaanib iyo kuwo ay dad-muwaadiniin ahi leeyihiin oo isu-diiwaangeliyey sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen una soo degi lahaayeen Aaga Cashuuraha ka Caagan, si ay qayb uga noqdaan horumarka kobaca dhaqaalaha Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Maamulka, Bariga Dhexe iyo Afrikana ayaa dhankiisa waxa uu madaxweynaha warbixin guud ka siiyey hawlaha ka socda Dekeda Berbera oo uu xusay inay Dekedu noqon doonto xudun dhaqaale oo u adeegta wadamada geeska iyo Bariga Afrika.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha uga mahadnaqay shirkada DP World dedaalka ay muujiyeen intii ay gacanta ku haysay mashaariicda kala duwan ee lagu horumarinayo Somaliland.