CALI KHALIIF oo lagu dhaggan yahay !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa shir ku yeeshay waxgarad iyo odayaal ka soo jeeda gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn kuwaasoo dhaliilay qaabka loo xulay wasiiradda cusub ee maamulka Khaatumo State oo dhawaan uu ku dhawaaqay Cali Khaliif Galeyr.

Cabdullaahi Sheekh Cabdi oo ka mid ah odayaasha aas-aasay maamulka Khaatumo ayaa sheegay in ay si aad uga xumaadeen markii madaxweynaha maamulkaas Cali Khaliif Galeyr uu beeshooda ku soo darin xubnaha wasiiradda.

Wuxuu sheegay oo kale in Cali Khaliif Galeyr uu baal maray sharciga lagu dhisay maamulka Khaatumo oo ka dhisan gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Wuxuu ku baaqay shir degdeg ah oo ay yeesheen beelaha deggan seddaxdaas gobal si loo arrinsado aayaha gobaladaas loogana soo horjeedo wasiiradda uu magaacabay Cali Khaliif.

Cabdullaahi Laangare ayaa sheegay in ay qaadacayaan xubnaha wasiiradda ee uu magacaabay Cali Khaliif Galeyr kuwaasoo uu yiri saamigii ay ku lahaayeen in loo diiday sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, maamulka Cali Khaliif Galeyr oo culeys xooggan uu heysto maadama dhulkii uu ka arriminaayay laga qixiyay oo ay banaan joog yihiin ayaa la kulmaya dhaleeceen kale oo uga timid dadkii uu mas’uulka ahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com