Daawo: Sambaloolshe oo ka hadlay xil qaadistiisa, arrin yaab lehna shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugidda qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Sambaloolshe, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xilka qaadistii lagu sammeeyey.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay si rasmi ah xilka uga qaaday Sambaloolshe, kadib muddo khilaaf uu ka taagnaa arrintaas.

Sambaloolshe ayaa sidoo kale ka jawaabay eedeymaha uu ra’iisul wasaare Cabdi Weli u cuskaday xil ka qaadistiisa, oo ay ka mid ahayd xariga xildhibaan Shiiraar.

Sambaloolshe waxa uu si cad u sheegay inuu aaminsan yahay inuu dhexda ka galay siyaasado is-diidan iyo khilaaf madaxda dalka u dhaxeeya, sidaa darteedna uu xilka ku waayey.

Waxa kale oo uu sheegay inuu la yaabay sababta isku beegtay xil ka qaadistiisa iyo dilkii dagaal-ooge Axmed Godane, taasi oo shaki isaga gelisay.

Halkan ka daawo wareysigiisa


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com