Yaa ka dambeeyay in muran la galiyo badda dalka Somalia? (Aqriso magaca)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa ka hadlay muranka badda ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuna sheegay in arrintaas uu sabab u ahaa ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaake.

Wuxuu sheegay in arrintaas ay soo billaabatay markii ay xukuumadii kumeel gaarka ee Cumar Cabdirashiid ay heshiis la gashay dowladda Kenya oo ku aadan arrimaha badda.

Xildhibaanka ayaa caddeeyay in baarlamaanka xilligaas jiray uu gaashanka u daruuray arrinta ay wadatay xukuumadda.

Wuxuu tilmaamay in xildhibaannada baarlamaanka ay marwalba diyaar la yihiin siddii ay u difaaci lahaayeen badda Soomaaliya.

Hadalka xildhibaanka ayaa ku soo aaday iyadoo dhawaan dowladda fedaraalka ay warqad dacwad ah u gudbisay QM iyo maxkamadda caalamiga ee dambiyada taasoo ay ku muujineyso in aan muran lagalin karin badda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo shaley ka hadlaayay furitaanka kalfadhigga shannaad ee golaha baarlamaanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay warqad cabasho ka ah Kenya u gudbisay QM iyo maxkamadda ICG taas lagu sheegayo in Kenya ay soo kireesatay shirkad ajnebi ah oo howlo shidaal baaris ka wada xeebaha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com