Golaha wasiirada DF oo taliye cusub u magacaabay nabadsugida (Qalad kale)

Muqdisho(Caasimada Online)  – Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa magacaabay taliyaha cusub ee hayada nabad sugida qaranka Soomaaliya, kadib markii xilka laga qaaday taliyihii hore.

Taliyaha cusub ayaa waxaa loo magacaabay inuu noqdo Korneyl C/raxmaan Maxamed Tuuryare oo ah gudoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida, kadib kulan ay golaha wasiirada maanta ay yeesheen.

Taliyaha ayaa waxaa codka siiyay golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya oo horay xilka kaga qaaday taliyihii hore C/llaahi Sambaloolshe oo muddo bilooyin ah xilkaasi hayay.

Wasiirka ku xigeenka warfaafinta Cabdullahi Colaad Rooble, wuxuu sheegay inuu u hambalyeeynayo taliyaha cusub ee hayada sirdoonka qaranka Soomaaliya, waxaana la filayaa in dhawaan uu xilkaasi la wareego.

“Waxaa xusid mudan in magacii Agaasimaha Hay’adda meesha laga saaray oo lagu beddelay Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, magacaasi ayaana loogu yeeri doonaa. Goluhu waxa uu u rajaynayaa taliyaha cusub in uu shaqadiisa u guto si hufan oo daacadnimo iyo waddaniyadi ku jirto” ayuu yiri Rooble.

Taliyihii hore oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in xil ka qaadistiisii ay ku deg degeen golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya, islamarkaana uu kusoo aaday xilli xiriirka siyaasadeed ee madaxda dalka uusan wanaagsaneyn.

Kulanka lagu magacaabay taliyaha cusub ee hay’adda nabad sugida ayaa waxaa goob joog ahaa wasiirka Diinta iyo Awqaafta ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka Ridwaan Xersi Maxamed.

Magacaabista taliyaha cusub ee Nabad sugida ayaa kusoo aaday iyadoo dalka uu wali ka maqan yahay ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Welli Sheikh Axmed Maxamed.

Si kastaba, waxaa is-weydiin mudan shraciyadda ay golaha wasiirada ku magacaabi karaan taliye ciidan, ayada oo dastuurka dalka uu si cad u qeexayo in taliyayaasha ciidamada uu magacaabi karo kaliya madaxweynaha. Waxaa mar kale muuqata in dastuurka dalka lagu tumanayo, islamarkaana Xasan Sheekh uu raali ka yahay.

Caasimada Online
Muqdisho-Somalia
Caasimada@live.com