Wasiir miisaan culus oo sheegay in xal laga gaaray khilaafkii Xasan iyo C/WELI

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya ahna wasiirka diinta iyo awqaafta Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa ku dhawaaqay in la dhammeeyay khilaaf uu ku sheegay in uu yaraa oo ka dhex dhashay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha kaasoo salka ku hayay xil ka qaadista agaasimihii hore ee hey’adda nabad sugida.

Hadalkan ayuu wasiirka labaad ee xukuumadda uu ka sheegay kulan degdeg ah oo golaha wasiiradda oo uu ka qeybgalay madaxweynaha oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ridwaan Xirsi ayaa carabka ku adkeeyay in madaxweynaha uu oggolaaday xil ka qaadista ay golaha wasiiradda ku sameeyeen Cabdullaahi Maxamed Sambaloolshe isagoona intaas ku daray in madaxweynaha uu ka waaqsaday xilka laga qaaday saaxibkiis.

Wuxuu kaloo sheegay in warbaahinta ay siyaabo qaldan u dhigeen xil ka qaadista lagu sameeyay Sambaloolshe sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisal wasaarahja ayaa horey u beeniyay mid kasta in uu jirro khilaaf ka dhexeeya labadooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com